Al-Shabaab oo deegaanka Yaaq-bari weyne gubtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay weerar xun ku qaadeen deegaanka Yaaq-bari weyne oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca Koonfur Galbeed Somalia.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dab qabad-siisay deegaanka, islamarkaana ay ku mareen inay isaga guuraan dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay bas-beeleen guryo fara badan oo ay daganayeen dad shacab ah, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in arrintan ay ka dambeysay, kadib markii ay dadka deegaanku taageero u fidiyeen maleeshiyaad beeleed abaabulan oo dagaal kala hortegay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Ma jiro wax khasaare ah nafeed ah oo ka dhashay dhacdadan, marka laga reebo gubashada deegaanka Yaaq-bari weyne ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan falkaasi.