Daawo: Deni oo shaaciyey ‘arrimo qarsanaa oo uu si cad ugu sheegay’ Farmaajo

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed dalka, isagoo shaaca ka qaaday arrimo badan oo xasaasi ah oo uu Farmaajo qorsheynayo.

Saciid Deni ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo ku eedeeyey wax kasta oo dib u dhac iyo khilaaf ku keenay doorashada Soomaaliya, isagoo mid mid u dul istaagay qodobada uu ku eedeynayo Farmaajo.

Deni ayaa ku eedeeyey in Farmaajo uusan rabin doorasho sax ah oo dalka ka dhacda, ee mar waliba sameynayey wax aan macquul ahayn si waqtiga loo dhammeeyo, markii ugu danbeysayna uu ku dhegay magaalada Garbahaarey.

Madaxweynaha Puntland ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in madaxweyne Farmaajo oo xalka Garbahareey laga waayey loo sii daba fadhiyo xaaladda dalka Soomaaliya oo dhan. Sidoo kale Saciid Deni ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu u sheegay in beeshiisu aysan ka yeeleyn in gobolka Gedo uu ku wareejiyo Jubaland.

Waxa uu sheegay in Farmaajo uu si cad ugu sheegay inuu dalka xoog ku maamulayo, islamarkaana Hawiye qeylinaya, sida uu hadalka u dhigay, aysan waxba ka qaadi karin “sababtoo ah wuxuu haystaa ciidan.”

Madaxweynaha Puntland waxa uu intaas ku darau in Farmaajo ay dad kasoo jeeda Hawiye ay kala shaqeynayaan sidii uu dalka xoog ugu maamuli lahaa, ayna halistu tahay inuu dalku ka rido dagaal sokeeye.

Markii aan Xamar tagnay wuxuu Farmaajo nagu qabsaday aniga iyo Axmed Madoobe maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Hawiye,” ayuu yiri Sacid Deni.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu ku dacweeyey masuul kasta oo ku heyb ah, balse qaarkood uu kala kulmay eedeyn ah inuu kala saftay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Saciid Deni ayaa sidoo kale shaaciyey in Farmaajo uu dhisay ciidamo isaga u daacad ah sida Haramcad iyo Gorgor, oo aan marna dagaal la gelin Al-Shabaab balse uu isagu adeegsado, ayna weerarro ka fuliyeen Galmudug, Gedo iyo Daljirka Dahsoon oo Muqdisho ah.

Deni ayaa ugu dambeyn sheegay in dalka uu halis ugu jiro inuu dagaal sokeeye ku laabto, iyadoo beesha caalamka aanay wax badan kala socon, islamarkaana Puntland aanay qeyb ka noqon doonin halista Farmaajo, sida uu yiri.

Hoos ka daawo khudbadda Deni oo dhameystiran