Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si adag uga hadashay qaylo dhaanta ka taagan dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay kooxda ayey ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadi doonto xaraashka iyo iibka dhulka danta guud ee ka socda Muqdisho, iyadoo ganacsatada uga digtay in ay gacan ku yeeshaan dhulka laga saarayo shacabka.
“Waxaan u sheegaynaa shacabka Banaadir in dhul la boobay uusan dhisan karin qof aan ahayn qofkii awal lahaa dhulkaasi,” ayaa lagu yiri hanjabaada kasoo yeertay kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Haddii uu dhulkaasi ahaa dhul dowladeedna laguma takri fali karo, weligiisana waxuu ahaan doonaa, sida uu yahay”.
Digniinaha iyo hanjabadaha kooxdan ka soo yeeray ayaa imanaya xilli maalintii shalay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ay ka dhaceen bannaanbaxyo looga soo horjeedo in dadka laga saaro dhulkii danta guud ee halkaas ku yaallay.
Dhulkaasi ayaa la sheegay in dowladda Xasan Sheekh ay ka iibisay ganacsato iyo shirkado gaar loo leeyahay.
Horay siyaasiyiinta mucaaradka ayaa baaqyo uga soo saaray arrimaha dhulka danta guud iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladda sida qasabka ah uga saaraysay shacabka degan dhulka danta guud ah, kuwaas oo sanado badan ay daganaayeen.
Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dhul boob u arka waxa ka socda magaalada Muqdisho, iyagoo si adag u cambaareeyay barakicinta shacabka ee dowladdu ku howlan tahay.

