Al-Shabaab oo galabta lagu jebiyey weerar ay koox macawiisley ah ku qaadeen

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa laga helayaa weerar ay maanta gelinkii dambe kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada dib u xoreynta deegaanka ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Ceeldheere.

Deegaankaan ayaa dhaca halka ay iska galaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka socday abaabul xooggan oo dadka deegaanka ay sameynayeen, si kooxdaan ay isaga xoreeyaan

Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay degaankaas, kadib markii ay Al-Shabaab soo weerareen saldhig ay Ceeldheere ku lahaayeen ciidanka dib u xoreynta deegaanka, waxaana halkaas khasaare culus lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in kooxda lagu jebiyey dagaalkii galabta oo dib ay ugu laabteen deegaanadii ay ka soo duulaan tageen, iyagoo meydad badan uga carar halkii lagu dagaalamay.

Si rasmi ah looma oga tirada khasaaraha labada dhinac ka soo gaaray dagaalkii galabta, hase yeeshee waxaa la soo werinayaa in khasaaraha ugu badan la gaarsiiyey Al-Shabaab oo duulaanka soo qaaday.

Halka ay iska galaan gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan waxaa ka socda abaabul xoog leh oo dadka deegaanadaas ay uga soo hor jeedaan kooxda Al-Shabaab, iyagoo doonaya inay dhulkooda ka xoreystaan kooxda.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ku xoogan tahay dhulkaas, maadaama laga xoreeyey inta badan bariga gobolka Hiiraan iyo qeybo badan oo ka tirsan Shabeellada Dhexe.