Al-Shabaab oo jab culus lagu gaarsiiyay galbeedka HIIRAAN

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano badan oo dhaca galbeedka gobolkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa aagga deegaanka Ceelka Baar ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in inta uu socday howlgalka lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena lagu buburiyay xarumo ay ku qaadayeen Zakawaat.

Sarkaal sare oo u hadlay ciidanka Macawiisleyda ayaa sheegay in howlgalkooda ay ku gaareen deegaanno dhaca galbeedka gobolka, ayna iska kaashadeen Xoogga dalka.

“Waxaan tegnay Ceelka Baar iyo Wargarasley shaqada sida ay u bilaabatay waayey 27-aad ayaa soo gaartay waddanka, waana soo afjareynaa Al-Shabaab” ayuu yiri saraalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii socon doonaan ayna gaari doonaan deegaannada kale ee lagu tuhmayo inay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Hiiraan oo kamid ah meelaha uu ka bilowgday gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa weli ka socda howlgallo xoreyn ah oo la doonayo in looga sifeeyo kooxda.