Al-Shabab oo maanta lagala wareegay degmadii ugu dambeysay ee SH/DHEXE

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Ruun-nirgood oo ah degmadii ugu dambeysay ee ay kaga sugnaayeen Al-Shabaab

Howlgalka lagula wareegay Ruun-nirgood ayaa waxaa horkayey, Korneel Saney Cabdulle oo ah taliyaha guutada 4-aad, qaybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Korneelka oo u warramay Idaacadda Kulmiye ayaa xaqiijiyay inay gudaha u galeen degmadaasi, kadib markii ay ka weerareen dhowr jiho.

“Waa sax ciidanka waa ku jiraa Ruun-nirgood waa degmo aad u ballaaran oo ka baxday gacanta Khawaarijta,” ayuu yiri Taliye Saney Cabdulle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaal culus uu ka dhacay halkaasi, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyey Kooxda Al-Shabaab, inkasta oo uusan caddeyn inta uu gaarsiisan yahay.

“Dagaal wuu dhacay, waana looga awood roonaaday, marka Ilaah ayaa mahaddaas iska leh gacanta dgemada nagu simay,” ayii sii raaciyey taliyuhu.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay haatan howlgallo ka wadaan agagaarka degmada Ruun-nirgood oo la tirsan gobolka Shabeelaha, si ay uga hortagaan weerar rogaal celis ah oo uga yimaada dhinaca xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Tallaabada ay maanta qaadeen ciidamada huwanta ayaa ka dhigeysa in guud ahaan Al-Shabaab laga xoreeyay degmooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle.