Qaybtii ugu horreysay ee ciidamadii ku sugnaa Eritrea oo la keenay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidda qaybtii ugu horreysay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka muddada dheer ugu maqnaa dalka Eritrea.

Ciidamadan cusub oo tababar ku soo qaaday xeryaha waddanka Eritrea, ayaa  muddo la sugayey, waxaa garoonka kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil.

Askarta maanta la keenay ayaa waxa ay gaarayaan illaa  400 oo askari, kuwaas hordhac u yihiin soo celinta dhammaan ciidamada Soomaaliyeed ee haatan ku maqan dalkaasi.

Maalmo kahor ayaa Madaxweynaha wuxuu sheegay in bishaan December inta aysan dhamaan la soo bilaabayo, isla markaana la soo dhameystirayo illaa bisha Janaayo.

“Bisha aan ku jirno inta aysan dhamaan waa soo bilaabanayaan, bisha ku xigta inta aysan dhamaan waa soo dhameystirmayaan, howshaas meel fiican ayey noo mareysaa, wax kastana waa noo hagaagsan yihiin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u dhac dambe uusan jiri doonin, “Insha allah dib u dhac dambe ma jiri doono.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay ugu yaraan laba jeer wuxuu safar ku tegay dalka Eritrea, si soo celinta ciidankaas uu ugala xaajoodo madaxda dalkaas.

Dhalinyaradaan oo tababar ugu maqan dalka Eritrea muddo ku dhow afar sano ayaa waxaa aad u yar macluumaadka laga heli karo, waxayna galeen tababar culus oo noocyo badan leh.