Xog: Khilaafkii hareeyey soo dhoweynta madaxweyne Xasan Sheekh ee Minnesota

Soo dhoweyntii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee gobolka Minnesota ayaa waxaa hareeyey kala aragti duwanaasho kadib markii la isku khilaafay habka ay jaaliyadda u wajaheyso.

Waxaa jirtay aragtiyo lagu kala duwanaa marka ay noqoto qaabka lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Soomaliya markii uu tegay Minneapolis: Kuwo waxay ku andacoonayeen inuu soo wakiishay wasiir ama uu soo wakiishay qof: Kuwana waxa ay ku doodayeen in bulshadu qaybageeda kala duwan xaq u leeyihiin inay iska arkaan islamarkaana ka tashataan waddada ugu qurxoon oo ay kusoo dhaweyn karaan Madaxweynahoda. 

Aragtiyadii lagu kala duwanaa waxaa kamid ahaa:- 

In Madaxweynaha uu marti u yahay Minneapolis, soo dhaweyntantiisuna ay waajib muqaddas ku tahay reer Minnesota haddii ay noqon lahayd dhanka dhaqaalaha, islamarkaana ay rabeen inay dajiyaan magaalada caasimadda Minnesota ah ee St Paul oo maanta aan ognahay in Booliiskeeda iyo Shacabkeedu uu dhaxeyso wada shaqayn buuxda.  

Halka kuwa doodayay waxa nasoo wakiilay wasiir ay ku andacoonayeen inuu Madaxweynaha asiga marti isu yahay dhanka dhaqaalaha, islamarkaana dejinayaan Minneapolis oo maanta aan ogyahay in ka badan 400 Booliis ay qaateen ruqso nasasho kadib dilkii George Floyd, taasoo sababtay in qiimaha ijaarka convention center-ka uu ahaa mid aad u sarreeyay, islamarkaana ku shan jibaarmay ijaarka xarunta Xcel Energy-ga ee St Paul.  

Booqashada Madaxwensha ee Minneapolis waxa ay salka ku haysay in uu warbixin buuxda reer Minnesota ka siiyo halganka lagaga soo hoejeedo Al-Shabaaab ee ka curtay HirShabeelle: Sidoo kale, in uu reer Minnesota ugu mahadceliyo sidii ay u garab istaageen halgankaas.  

Ugu danbayn: Labada dhinac waxa ay ka sinnaayeen wanaaga soo dhaweynta Madaxweynaha, laakiin waxa ay ku kala duwanaayeen aragtida martigalinta dhanka dhaqaalaha madaama aan ognahay in maanta dalka uu kujiro dagaal, dagaalkana u baahan yahay dhaqaalo aad u xoogan, waxa ayna ku habooneyd in aragtida labada dhinac la mideeyo si loo helo aragti midaysan oo si wadajir ah loogu soo dhaweyn lahaa Madaxweyna laakiin ma dhicin. 

Waxa qoray: Mohamed Isse
Minnesota