AL-SHABAAB oo mar kale gubay guryo shacab iyo ceelal

Maxaas (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay mar kale gubtay guryo iyo ceelal ay leeyihiin dad shacab ah, xilli ay kooxda sii waddo dagaalka shacabka.

Guryaha iyo ceelasha la gubay ayaa waxay ku yaaleen degaanka Ceel-jiqoow oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaana la xaqiijiyey inay kooxdaan gubtay dhammaan guryahihii tuulada ku yaallay.

Dadka degaanka Ceel-jiqoow ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in marka hore ay Al-Shabaab ku amreen inay degaanka deg deg uga baxaan, kadibna ay gubeen guryihii.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey inay kooxdan ay qarax ku bur-burisay halkii  ceel biyood ee ku yaallay deegaanka Ceel-Jiqoow oo dadka iyo xoolaha ka biya cabi jireen.

Dadkii daganaa tuulada ayaa la xaqiijiyey inay gebi ahaanba isaga barakaceen halkaas kadib markii ay soo wajahday duruufo dhanka nolosha ah, maadaama la gubay guryihii ay daganaayeen iyo ceelkii ay biyaha ka cabi jireen.

“Wallaaloow anaga oo guryaheena iska joogna ayay Al-Shabaab nagu amreen inaan isaga baxno, markii aan ka tagnayna waa ay gubeen, ceelkii Biyaha aan ka cabi jirnayna qaraxyo ayey ku burburiyeen, mana aqaano waxa aan ka galabsanay,” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Waa markii labaad oo Al-Shabaab ay gubaan guryo ku yaalla gobolka Hiiraan tan iyo markii uu billowday kacdoonka ka dhanka ah kooxdan oo ay billaabeen dadka deegaanka oo u abaabulan qaab qabiil.

Inta badan deegaanada gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda kacdoonka ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxaana kooxdaan laga saaray deegaan badan kadib dagaalo dhiig badan ku daatay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ballan qaaday inuu muddo hal sano gudaheed ah uu Al-Shabaab uga ciribtiri doono guud ahaan Soomaaliya.