Maleeshiyada Al-Shabaab oo Masaajid u beddalay goobo ganacsi iyo guryo + Video

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo booqasho ku tegay Masaajid Caliguduud ayaa ka warbixiyey xaaladda nololeed ee deegaankaas, kadib markii laga saaray xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Cali Guudlaawe ayaa shaaciyey in Al-Shabaab ay dhibaato badan u geysateen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaankaasi iyo kuwa socotada ah ee mara halkaasi.

Madaxweynaha maamulka HirShabelle oo kormeeray deegaanka Masaajid Caliguduud ayaa sheegay inay soo arkeen dhibaatooyin kala duwan, wuxuuna tilmaamay in xittaa kooxdu ay masaajidka deegaanka u beddaleen dukaamo ay ku ganacsadaan iyo guryo ay seexdaan.

“Waxaad arkeysaan Masaajid loogu talagalay in lagu cibaadeysto inay u beddaleen meel ganacsi iyo guryo ay seexdaan,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ka been sheegayaan Diinta, islamarkaana ay yihiin koox ma naxayaal ah oo dhibaato ku haya Ummadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa caalamd weyn oo muujineysa in ay Diinta ka been sheegayeen waa koox isku timiday oo gaangis ah oo Ummaddaan inay nolosha ku cadaabaan go’aansaday,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale Cali Guudlaawe ayaa la garnaqdsay Shabaab, isaga oo su’aallo badan ka keenay sida ay ula dhaqmeen shacabka ku sugan deegaanka Masaajid Caliguduud.

‘Haddkii Masaajidka ay u beddaleen dukaan ay ku ganacsadaan iyagu, hadii ay gaadiidka dadka masaakiinta ah ku shaqeysanayeen ay  gubayaan oo ay dab qabadsiiyeen, hadii ay gabdhaha musaafurka ahaa ina dajiraan ku faraxumeynayaan saldhigga inay ku leexiyaan maxay ku tusinee meeshaas wax diin la yiraahdo in aysan ka jirin,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in howlgalada ay sii socon doonaan inta Al-Shabaab laga saarayo guud ahaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Halkan hoose ka daawo:-