Madaxweyne Erdogan iyo PUTIN oo heshiis ka gaaray arrin ku saabsan Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online)  Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii sheegay inuu dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin kula heshiiyey in qamadiga Ruushka ee soo mara badda madow ay si bilaash ah ay ku tagaan dalalka Afrika ee saboolka ah.

“Markii aan taleefoonka kula xiriiray Vladimir Putin, wuxuu igu yiri ‘ aan bilaash ugu dirno dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Soomaaliya iyo Suudaan’ – waana ku heshiinnay,” ayuu Erdogan ku yiri hadal uu u jeediyay ganacsatada magaalada Istanbul.

Arrintan ayaa timid kadib markii Moscow ay Arbacadii dib u bilowday ka qaybgalka heshiiska dhoofinta qamadiga ee u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Turkiga, taas oo sooo afjartay afar maalmood oo iskaashi la’aan ah ee dhoofinta raashinkan ee dekedaha Ukraine.

Horraantii toddobaadkan, wuxuu Putin sheegay in xitaa haddii Ruushku ka baxo heshiiskan mar kale, uu ku beddeli doono dhammaan saamiga qamadiga ee loogu talagalay “dalalka ugu saboolsan” si bilaash ah kan kaydka u ah Ruushka.

Ukraine ayaa dhowaan billowday in Qamadiga dalkeeda loo daabulo Dunida inteeda kale, si wax looga qabto abaaraha ka jira dalal ka tursan Qaaradda Afrika qeybo ka mid ah Aasiya.

Shixnaddii u horreeysay ee Qamadiga Ukraine ayaa sidoo kale waxaa dhowaan la geeyey dalka Jabuuti, ayadoo loogu talo galay abaaraha ka jira dalkaas iyo sidoo kale Itoobiya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan waxaa jira xaalado bani’aadanimo oo aad u daran, ayadoo QM ay saadaalisay inay macluul ku dhufan karto dhamaadka sanadkan 2022-ka.