AL-SHABAAB ‘oo nafis ka raadisay’ hadal uu jeediyay xildhibaan Kulane Jiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa soo qaadatay hadal uu jeediyay Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane (Kulane Jiis), kaasi oo u muuqda mid ay uga dhuumaneyso jabka lagu gaarsiiyay gulufka socda.

Kulane ayaa wareysigaas oo uu siiyay Daljir wuxuu ku sheegay in ciidamada dowladda uu ku socda bur-bur horleh, halka Al-Shabaab uu sheegay inay sii xoogeysaneyso, isaga oo soo qaatay weeraro ay kooxda hub uga furatay ciidanka dowladda.

“Ciidanka dowladda bur-bur ayaa ku socda, Gorgor iyo Danab oo ahaa ciidamo aad u tababaran waa la bur-buriyay. Al-Shabaab-kii waxaad mooda inay sii xoogeysanayaan oo waxay la wareegeen hubkii loogu tala-galay in lagu qalabeeyo ciidanka,” ayuu yiri Xildhibaan Kulane.

Kulane ayaa tusaale usoo qaatay weerarkii ugu dambeeyay ee kooxda Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Caad ee gobolka Mudug, kaasi oo uu sheegay in ciidanka uu kasoo gaaray khasaare xooggan.

Al-Shabaab ayaa sida muuqata hadalka Kulane oo horey usoo noqday Taliye ku-xigeenka NISA ka raadinaysa nafis, si ay ugu yaraan indhaha dadka raacsan u tusto in dagaalka ku gacan sareyso, ayada oo xaqiiqdu tahay taasi bedelkeed.

Waxaa la dafiri karin in weli si rasmi ah aan loo wiiqin awoodda kooxda Al-Shabaab, balse waxaa xaqiiqo ah in kooxda jab xooggan lagu gaarsiiyay gulufka dagaal ee bilihii dambe socday, kaasi oo looga xoreeyay degmooyin iyo deegaano ay sanado badan ka talineysay kooxda.

Al-Shabaab ayaa gulufka ka dhanka ah ku weysay dagaal-yahaanadii ugu badnaa iyo horjoogayaal sare, sidoo kale waxay ku lumisay oo la bur-buriyay qaar kamid ah saldhigyo iyo keydadkii ugu muhiimsana ee hubka iyo qaraxyada.