NISA oo soo afjartay shabakaddo dadka ka cabsi gelin jiray baraha bulshada

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugida iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay goordhoweyd in ay bur-burisay 20 koox oo shacabka ka cabsi gelin jiray baraha kala duwan ee Internet-ka.

Bayaan kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in xayiraad la saaray dhamaan lambaradii xubnahaasi isticmaalayeen, kuwaasi oo gaaraya illaa 2,500, lagana mamnuucay gebi ahaanba adeegyada ku hadalka OTT, sida WhatsApp iyo wixii lamid ah.

“Xafiiska amniga Internet-ka ee hay’adda NISA ayaa soo afjaray ku dhawaad 20 koox oo isticmaalayey Group-yo ay lahaayeen Khawaarijta kuwaasi oo ay u isticmaali jireen cabsi galinta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Sidoo kale waxay shaacisay in shabakadahan ay qeyb ka ahaayeen kuwo looga shaqeynayay boobka iyo baadda Ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxay sheegtay in lambarada la xanibay qaarkood laga wici jiray shacabka, oo ay ku jiraan ganacsatada iyaga oo kooxaha argagixisada ku weydiisan jireen in ay baad bixiyaan.

“NISA waxa ay shacabka Soomaaliyeed uga digeysaa in ay xubin ka noqdaan Group, Channel ama Page ay leeyihiin Khawaarijta si aanay u wajihin xayiraad iyo in tallaabooyin sharci laga qaado, si waafaqsan siyaasaddaha la-dagaapanka argagixisada ee barahaaas iyo sharciga la-dagaalanka argagixisada.”