Al-Shabaab oo qarax la beegsatay xildhibaan ka tirsan KENYA iyo ilaaladiisa

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maalintii Axada aheyd qarax nooca miinada ah ciidamo galbinayey xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaasi lagula eegtay duleedka magaalada Gaarisa.

Qaraxa ayaa qabsaday mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamada Booliska Kenya oo markaas ilaalinayey xildhibaan Ibraahim Cabaas iyo wafdiisa oo maraya wadada Ijara.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhaawacmay ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya, waxaana qaraxa ka bad-baaday xildhibaankii la socday gaadiidkaasi.

Askarta ay waxyeelada dhaawac ah soo gaartay ayaa la geeyey Manda Bay, si loogu daaweeyo xaaladdooda caafimaad, maadaama qaarkood ay halis yihiin.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo weerarka qaraxa ah, kadib howlgallo kooban ka sameeyey halkaasi.

Xaaladda goobta uyu qaraxu ka dhacay ayaa hadda deggan, mana jirto cid ay falkaas usoo qatbteen saraakiisha laamaha ammaanka ee waddanka Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fulisa dalka, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxaana ciidamo ugu jiraan howlgalka ATMIS, ex AMISOM ee ka socda Soomaaliya.