Al-Shabaab oo sabab yaab leh ‘u afduubtay’ qoysas badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo culus u jeedisay kooxda Al-Shabaab, kadib markii laga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo la’isku yiraahdo HirShabelle.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in kooxda ay si bareer ah guryahooda uga barakaciyeen dadka rayidka ee ku dhaqan deegaanada iyo magaalooyinka laga qabsaday.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inay horey u afduubteen qoysas badan, ayaga oo sababta ku sheegay in ay carruurtooda ku biiraan dagaalka, gaar ahaan ciidanka Macawiisleyda.

“Waxay soo kaxeysteen qoysas badan, sababtoo ah waxay ku eedeeyeen inay wiilashooda u fasaxeen inay ku biiraan Macawiisleyda, waxayna sheegeen in wiilashooda ay hubka u qaateen Al-shabaab,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in sababta ay sidaas ay u sameynayaan ay tahay in shacabka ay ka hor istaagaan inay xiriir la sameeyaan dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa ku baaqay in si wadajir ah looga soo horjeesto kooxda Al-Shabaab, lana tagaeero ciidamada huwanta ee haatan howlgallada ka wada inta badan gobollada dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guluf ka dhan ah Al-Shabaab uu ka socdo gobollada dalka, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda.