Al-Shabaab oo shaacisay arrin ay ka sameysay Aadan Yabaal ka hor inta laga qabsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa markii u horeysay baahisay sawirada munaasabad maalmo ka hor ka qabsoomtay xarunta Villa Aadan Yabaal, inta aysan ka qabsan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Sida lagu baahiyay warbaahinta Al-Shabaab, kooxda ayaa raashin ka qeybisay Aadan Yabaal maalmo yar ka hor inta aysan xoreyn ciidamada huwanta, kuwaasi oo dagaal xoogan kula jira argagixisada.

“Aadan Yabaal ayaa muddo ka badan 12 sano lagu maamulayay shareecada islaamka, magaaladaan ayaa aad u dhisantay sanadadii nabadda, waxayna ku tallaabsatay horumar dhan walba ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab.

Sawirada ay baahisay kooxda ayaa waxa laga dheehan karayay dadweyne ku xoonsan xarunta ay madaxda Shabaabka uga talin jireen degmadaas ee Villa Aadan Yabaal iyo horjooge u khudbeynayo.

Aadan Yabaal oo ah degmo qadiimi ah oo muhiim ah ayaa sanado badan ku jirtay gacanta Al-Shabaab, waxaana xiligaan gacanta si buuxda ugu haya ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa intii ay haysteen Aadan Yabaal aan la arkin sawirrada magaaladaan qadiimiga ah, waxaana hadda laga helayaa xogo hor dhac ah oo ku saabsan sidii kooxdu ay u maamuli jirtay magaaladaan.