Maxaa ka jira in guddoonka BF uu go’aan cusub ka gaaray kursiga Fahad Yaasiin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay warqad lagu faafiyay baraha bulshada, taasi oo lagu sheegay in go’aan cusub uu Guddoonka ka gaaray kursiga HOP#086.

Warqada uu beeniyay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in kursigaas oo uu hore ugu soo baxay Fahad Yaasiin loo maray hanaan sax ah, ayna ka qeyb qaateen odayaashii saxda ahaa ee hormuudka u ahaa xulista ergada ee doorashadii 2016.

“Mudane Fahad Daahir Axmed waa Xildhibaanka rasmiga ah ee ku matali doona Beesha iska leh kursiga HOP#086 Golaha Shacabka JFS, laga bilaabo maanta,” ayaa lagu yiri warqada been abuurka ah oo laga dhigay mid kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa si cad u beeniyay warqadaasi been abuurka ah oo lagu baahiyay baraha bulshada.

“Shacabka Soomaaliyeed ha ka digtoonaadaan warqadaha noocan oo kale ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe oo lagu beeniyay warqada lagu sheegay in go’aan looga gaaray kursiga HOP#086.

Xafiiska Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in baaritaan uu ku sameeynayo warqada been abuurka ah iyo cidii ka dambeysay falkaan, islamarkaana lala tiigsan doono sharciga.