Xamza oo sheegay laba arrin oo ay wadaan kuwa kasoo horjeeda dagaalka Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegay inay jiraan dad raba in aan laga xoroobin argagixisada.

Xamza ayaa sidoo kale sheegay in dadka kasoo horjeeda dagaalka socda ay dacaayado iyo been abuur la daba taagan yihiin howl-galada ka dhanka ah Shabaab ee hormuudka u yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa jira kuwa doonaya in aan laga xoroobin Khawaarijta cadowga ah oo wada been iyo dacaayad ay ku marin habaabinayaan Kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed, waa ii farxad inaan arko ciidamada deegaanka oo deegaano kala duwan ka kala yimid hadana iska kaashanaya xoreynta kooxda Shabaab” ayuu yiri R/W Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kale oo uu beeniyay wararka la xariira in dowladda federaalka Soomaaliya ay hubeysay beelo gaar ah, isagoo xusay in dowladda ay dadka deegaanka la garab istaagtay taageero hoggaamineed.

“Waxaa hada meesha ka baxday dacaayadii aheyd dowladda beelaha ayay hubeyneysa oo ay isku direysa, maadama ciidamada deegaanka iyagoo meelo kala duwan ka yimid ay hada si wadajir ah ula dagalamayaan Al-Shabaab, midaasi ayaa guul weyn inoo ah” ayuu yiri R/W Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Arbacadii booqday degmada Aadan Yabaal oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab, oo sanado badan gacanta ku haysay.

Xamza ayaa halkaasi u tegay dhiiri-galinta ciidanka naftooda u huray sidii ay dadkooda iyo dalkooda uga xorreyn lahaayeen kooxda Al-Shabaab iyo weliba u kuur-galida xaalada ka jirta deegaankaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intii uu ku sugna degmada soo dhagax dhigay garoon diyaaradeed laga dhisayo Aadan Yabaal iyo mashaariic kale oo muhiim u ah bulshada degmadaas.