Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeyb gashay Ruushka

Kazan (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa dalka Ruushka kaga qayb-galay shir looga hadlayo arrimaha dhallinyarada Dunida Islaamka.

Shirkan oo ay marti-gelisay dowladda goonida isu-maamusha ee Tatarstan oo xubin ka ah midowga federaalka Ruushka ayaa ka dhacay caasimadda Tatarstan ee Kazan.

Waxaa ka soo qayb-galay Wasiirrada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ururka wadamada Islaamka OIC, waxaana shirka khudbad ka jeediyay Wasiir Maxamed Barre Maxamuud, taasi oo dhinacyo badan taabanaysa oo isugu jirta fursadaha iyo caqabadaha ay ka midaysanyihiin dhalinyarada dunida Islaamka.

Wasiirka ayaa waxa uu si gooni ah uga hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dadaalka ay ugu jiraan in ay Soomaaliya ka dhigaan dal lagu soo hirto oo soo jiita maalgashiga caalamiga ah.

“In raasumaalka ugu qaalisan ee Soomaaliya leedahay uu yahay dadkeeda oo boqolkiiba 75% ay ka yaryihiin da’da 35 jir oo ah kuwa habeen iyo maalin ka shaqaynaya Soomaaliya nabadda ah oo isku fillan isagoo intaas raaciyay in kumanaan qurbaha wax ku soo bartay ay dalkooda dib ugu soo noqdeen si ay uga qayb-galaan dib u dhiskiisa,” ayuu yiri.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu qiyaasaa in 75% ay ka yihiin bulshada, balse waxa ay wajahayaan caqabado horleh, taasi oo sababtay qaarkood inay u tahriibaan waddamada dhaca Qaaradda Yurub, kuwaasi oo inta ay ku jiraan safarkaas la kulmo tacadiyo ka dhan ah bini’aadanimada.