MAHAD SALAAD oo taliye cusub u magacaabay Gedo kadib dilkii Bakaal Kooke

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa taliye cusub u magacaabay gobolka Gedo, toddobaad kadib markii qarax lagu dilay taliyihii hore Bakaal Kooke.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Mahad Salaad,, waxaa taliyaha NISA ee gobolka Gedo loo magacaabay General Jamaal Xasan Sarey oo ka tirsan kumaandooska ciidamada Milateriga, kaasoo hadda hoggaamin doona ciidamada NISA ee gobolka Gedo.

Gen. Sareey ayaa la sheegay inuu yahay sarkaal leh tababar sare oo ka tirsan ciidamada Kumaandooska, iyadoo uu la wareegi doono qorshaha dagaalka Al-Shabaab ee la filayo inuu ka billowdo gobolka Gedo.

Magacaabistan ayaa imaneysa ayada oo weli ay su’aalo ku hareereysan yihiin cidda dishay taliye Bakaal Kooke.

Weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab oo ku macneysay mid loogu aargudayey maleeshiyo badan oo kooxda ka tirsanaa oo taliyaha iyo ciidankiisa ay dileen, sida ay hadalka u dhigtay.

Hase yeeshee, Wasiirka amniga maamulka Jubaland, Sareeye gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal ayaa sheegay inuu kiiskan yahay mid mugdi badan ku hareeraysan yahay, lana tuhunsan yahay in dhinacyo badan ay ku lug leeyihiin.

Sareeye Gaas.Dhuumaal wuxuu sheegay ka hor taliyaha, inuu jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay siyaasiyiin uu sheegay in aysan ka shaqeynayn danaha gobolka Gedo.

“Runtii, arrintu waxay ahayd arrin shirqool ah, muddaba la daba socday ninka kan. Qaabkii lagu dili lahaa haloo adeegsanayo gacan Khawaarij ama gacan kale oo dad ku dhow hala adeegsado, waa wax cad. Waa wax information-keeda la hayay. Taasina waqti kaste ha noqotee way soo bixidoontaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Jubbaland.

Sidoo kale, Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa horey ciidanka Itoobiya ugu eedeeyey dilka Bakaal Kooke.

Siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay in sirdoonka Itoobiya ay qarax gaarigiisa ugu xireen Taliye Bakaal Kooke, iyagoo sheegay in mudo dheer ay Itoobiya qorsheynaysay dilka Bakaal Kooke.