Mareykanka oo war kasoo saaray xukunka lagu riday duqa magaalada Istanbul

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Khamiistii sheegtay “inay aad u dhibtay ugana niyadjabtay,” kadib markii duqa magaalada Istanbul, oo ah xubin muhiim ah oo ka tirsan mucaaradka, laga mamnuucay siyaasadda ka hor doorashada madaxweyne ee sanadka soo socda.

“Dowladda Maraykanka aad ayey u dhibtay, ugana niyadjabtay xukunka ay Maxkamad Turkish ah ku ridday duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu, oo lagu xukumay laba sano iyo toddoba bilood oo xarig ah, lagana mamnuucay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

“Waxaan ku boorineynaa dowladda inay joojiso dacwadaha lagu fuliyo shuruucda dambiyada ‘aflagaaddada’ oo ay ixtiraamto xuquuqda iyo xorriyadda dhammaan muwaadiniinta Turkiga, oo ay ku jirto in la xaqiijiyo jawi furan oo ah dood dadweyne.”

Imamoglu ayaa lagu soo eedeeyey “aflagaaddeynta” mas’uul dowladeed kadib markii saraakiisha doorashada uu ugu yeeray “doqomo”.

Maxkamadda ayaa diiradda saartay hadalka oo uu Imamoglu u jeediyey weriyayaasha bilo kadib markii uu ka adkaaday musharax ay xulafo yihiin Erdogan, doorasho ku celis aheyd kadib markii la nasakhay middii koowaad.

Saraakiisha ayaa sheegay inay heleen boqollaal kun oo “codad laga shakisan yahay ah” kadib markii Erdogan uu diiday inuu qiro guushii koowaad Imamoglu.

Go’aanka ayaa si xooggan u ceebeeyey xisbiga Erdogan, kadib markii doorashadii lagu celiyey uu si aan shaki laheyn mar kale ugu guuleystay Imamoglu.

Imamoglu ayaa kadib si caro leh u hadlay isaga oo kuwii nasakahy doorashada ugu yeeray “doqomo.”

Kooxda Ekrem Imamoglu ayaa deg deg wacad ugu maray inay racfaan ka qaadan doonaan kiiskan.

Dadka lagu xukumo wax kayar afar sano ayaan inta badan xabsiga la dhigin dalka Turkiga.

Hase yeeshee xukunkan ayaa 52 jirkan — oo ka mid ah xiddigaha xisbiga cilmaaniga ee Turkey — ka mamnuucaya siyaasadda muddada xukunka.

Imamoglu ayaa sii hayn doona xilka duqa magaalada ugu weyn Turkiga inta lagu gudo jiro racfaanka xukunka.

AFP, VOA