Ilhaan Cumar oo dalab ka gudbisay kiiska nin kashifay sir la xiriirta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa qaaday tallaabo ay ku dalbaneyso in la cafiyo Daniel Hale oo hore u ahaa fallanqeeye millitari.

Daniel ayaa loo haysta faafinta dukumentiyo kashifay sidda ciidamada Mareykanka ay shacabka ugu laayaan duqeymaha ay ka geystaan wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.

“Daniel Hale cidna khatar kuma ahan, waxa uu qaatay mas’uuliyadda ficilada uu sameeyay, wuxuu shaqo qaran u qabtey qarankiisa. Arrinta Daniel waxay ka turjumaysaa awoodda cafiska. Waa qalad in la faafiyo macluumaadka qarsoodiga ah. Laakiin waxaa Daniel sameeyay waxay aheyd geesinimo.” ayey tiri Ilhaan.

Ilhaan ayaa hadalkaan ka jeedisay shir jaraa’id oo ay soo qaban-qaabiyeen shabakadda taageerada Daniel Hale oo ah urur ay ku mideysan yihiin hay’addo iyo saaxiibada Hale oo xiligaan ka shaqeynaya sidii loo sii deyn lahaa.

Difaacista Ilhaan ee ninkaan ma ah markii u horeysay, waxayna sidan oo kale bishii August ee sanadkii hore warqad u dirtay Aqalka Cad, taasi oo ay ku sheegtay in Daniel uusana dambi galin, balse uu iftiimiyey dhibaatooyinka sharciga iyo akhlaaqda ee barnaamijka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

“Wuxuu ogeysiiyey dadweynaha waxyaabo ay tahay in khaladaad ka jiraan oo la saxo,” ayey xiligaas qoraalkeeda sii raacisay Ilhaan.

Daniel ayaa hore loo xukumay 45 bilood oo xarig ah ka gadaal markii uu qirtay hal dacwad oo kamid aheyd shan eedeymo oo la xiriirta faafinta dukumentiyo dowladeed oo xasaasi ah.

Dukumentiyada loo haysto Ninkaan ayaa ka koobnaa sirta howl-galada Drones-ka Mareykanka oo ay ku jiraan inta jeer ee rayidka lagu dilay duqeymaha Yemen, Pakistan Afghanistan iyo Soomaaliya.

Daniel ayaa hore qeyb uga ahaa ciidamada Mareykanka muddo xileedkii koowaad ee Brack Obama, xiligaasi oo ay kordheen isticmaalka weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.