Sawirro: Ugu yaraan 5 deegaan oo maanta laga xoreeyey Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey saldhigyadii Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Saldhigyada ay ciidamada xoogga dalka ka burburiyeen Al-Shabaab ayaa ku kala yaalay degaanada kala ah Baladul-Amiin, Ay-Buralay, Kushka, Dharabka, Fulaydheer iyo degaanno kale oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha Guutada 7-aad Qeybta 12-ka April Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) oo hawlgalka hoggaaminayey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay sii wadi doonaan baacsiga Al-Shabaab, inta laga ciribtirayo dhammaan deegaanada gobolkaas.

Dhinaca kale,Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta gaaray degaanka Guulane oo hoos taga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliyaha waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Agaasime Muxudiin Xasan Juris Saabeey oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, taliyaha booliska HirShabelle Col. Xasan Dhicisow iyo saraakiil kale. 

Saraakiishaan ayaa booqanaya deegaano u dhow Guulane oo saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada dowladdu ku laayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Inta badan gobollada ay Al-Shabaab ka joogaan dalka waxaa ka socda guluf dagaal oo aad u culus, iyadoo guulo waaweyn ay ciidanka dowladdu ka gaareen dagaalkaas ka dhanka ah Al-Shabaab.