Xog: Wararkii u dambeeyey xiisad ka dhalatay Janan iyo Fartaag oo loo diiday Doolow

Doolow (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Senator Cabdullahi Fartaag ayaa caawa gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay loo diidanaa.

Galabta ilaa fiidkii hore ee caawa waxaa Doolow ka taagneyd xiisad ka dhalatay hor istaag lagu sameeyey masuuliyiintaas oo dooneysay inay gudaha u galaan magaalada.

Maamulka gobolka Gedo ayaa is hortaag ku sameeyey masuuliyiintaan oo ka yimid dhinaca Mandheera, kuwaas oo doonayey inay soo galaan Doolow.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo oo lagu magacaabo Diini ayaa la sheegay inuu ugu dambeyntii ku guuleystay in masuuliyiinta kale ee gobolkaas uu ku qanciyo in Doolow uu tago wafdiga Janan. 

Sawirro lagu baahiyey warbaahinta ayaa waxaa ka soo muuqday abaandulaha guutada 10-aad Cismaan Niinile oo safarka ku wehliyay Janan iyo Fartaag.

Waxaa jira siyaasiyiin iyo saraakiil ka soo hor jeestay is hor taagga lagu sameeyey wafdigaan, taas oo xiisad ka abuurtay degmooyinka gobolka Gedo, gaar ahaan Doolow op caawa ay xaaladu degan tahay, kadib markii la xaliyey xiisadda.

Siyaasiyiintaan weli ma cadeyn qorshaha safarkooda, balse wuxuu ku soo aadayaa iyadoo dhawaan la dilay Taliyihii NISA ee gobolka Gedo Bakaal Kooke, sidoo kalena gobolka uu ka taagan yahay jaha wareer maamul oo xoog leh.