Al-Shabaab oo shaacisay in baaris ku hayso ‘sarkaalka ganacsiga’ daroogada Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay howl-galada ay maleeshiyaadkeeda u igmatay ee ka dhanka ah daroogada iyo ciyaal-weerada ee ka billowday magaalada Muqdisho.

Kooxda ayaa sheegtay in baaritaano ay ku waday goobaha lagu keydiyo daroogada noocyadeed kala duwan ay ku ogaatay in sarkaal ka tirsan ciidanka millateriga dowladda federaalka uu qeyb ka yahay ka ganacsiga daroogada.

Sarkaalkan ayaa waxay sheegtay in goob weyn oo lagu iibiyo, laguna keydiyo daroogada noocyadeed kala duwan uu kulahaa Ex-Contarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Kooxda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in qarax ay ku xirtay goobtaasi uu lahaa sarkaalka, ayna gebi ahaanba isla burbureen goobta iyo daroogadii ku jirtay. Waxaa ku dhaawacmay qaraxa sarkaal ka tirsan dowladda oo magaciisa ay magaciisa ku sheegtay Xasan Kaafi, oo ahaa ninkii goobtaas daroogada ku gadayay, sida ay sheegtay.

Al-Shabaab ayaa dhawaan ku dhawaaqday in howl-gal nooc cusub ah oo ay ku beegsaneyso kooxaha ka ganacsada maandooriyaha iyo ciyaal-weerarada ay ka bilaabi doonto magaalada Muqdisho, ayada oo sheegtay inay soo gaartay cabashada shacabka.

Xalay unbay aheyd markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay howl-gal qorsheysan ka fuliyeen isgoyska Fagax, kaasi oo sababay dhimasho & dhaawac.

Xubnahan oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa waxay weerar ku qaadeen meherad yar oo ku taalla halkaasi, oo lagu iibin jiray maandooriye, waxaana goobta imaan jiray dhalinyaro aad u isticmaasha maandooriyaha.

Inta la xaqiijiyay waxaa rasaasta ay fureen ragga howl-galka fuliyay ku dhintay illaa labo dhalinyaro ah, halka ay dhaawacyo soo gaareen labo kale oo ku sugnaa halkaasi.

Waa howl-galkii labaad oo Al-Shabaab ka fulineyso Muqdisho, ayada oo shalay shaacisay in Tabeelaha Sheekh Ibraahim ay ku dishay mid kamid ah horjoogayaashii ciyaal-weerada.