Daawo: Maamulka gobolka Banaadir oo tallaabo culus qaaday kadib dagaalkii Siinaay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay booqday isgoyska Siinaay oo ay ku wada dagaalameen ciidamo ka wada tirsan kuwa ammaanka ayaa qaaday tallaabo la xiriirta shaqaaqadii halkaasi ka dhacday oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Israsaaseynta sababtay khasaarahan ayaa dhex-martay ciidan Nabad Sugid ah oo Siinaay ku sugan iyo ilaalada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleebaan Fargax oo dhaawac ah.

Duqa Muqdisho ayaa marka hore ka taciyeeyay dadkii ku dhintay dagaalkaas oo isugu jiro askar iyo dad kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aan la aqbali karin in maalin kasto ay dagaalamaan ciidamada dowladda, isla-markaana ay ku dhintaan shacabkii ay ilaalinayeen amnigooda.

“Runtii way nagu bateen dhacdooyinka noocaan ah loomana dul-qaadan karo, waana nasiin darro. Marka insha allah dib ayaan isugu laaban doonaan,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dhammaan la xiray askartii ku sugneyd koontaroolka, laguna wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

“Dhacdadii xanbuunka badneyd ee meeshaan ka dhacday kulli ciidankii halkan joogay ama Boolis ahaa ama hay’adihii kale ee amniga xabsigaa la wada geeyay baaritaan ayaana lagu jiraa CID iyo Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu wareejiyay,” ayuu sii raaciyay Madaale.

Ina la xaqiijiyay waxaa shaqaaqadan ku dhintay ugu yaraan illaa afar qof, halka ay ku dhaawacmeen lix kale oo uu ku jiro guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid.

Isgoyska Siinaay ayaa kala bara ugu yaraan seddax degmo oo kala ah Wardhiigley, Boondheere iyo Yaaqshiid, waxaana ciidan ka tirsan NISA u taalla bar-control oo adag, taas oo gaadiidka waaweyn aysan ka soo gudbi karin.

Ciidanka dowladda ayaa inta badan ku dhex dagaalama magaalada Muqdisho, taas oo dhaleeceyn weyn ay marar badan kala kulantay dowladda Soomaaliya, inta badan isku dhacyadaan waxaa keena in masuuliyiinta qaar ay si awood ah ku dhaafaan baraha hubinta ee ciidamadu ay ku sugan yihiin.