Taliyeyaal ‘ka baxay Xamar oo ku biiray’ dagaalka ka socda magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii 23-aad oo xiriir ah ayaa haatan sii xoogeystay, wuxuuna ku fiday goobo horleh oo ka baxsan magaaladaasi, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu haatan ka socdo dhanka galbeedka magaalada Laascaanood, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland oo looga hadlay dagaalka Laascaanood ayaa waxaa lagu sheegay in haatan ay ku soo biireen taliyeyaal ciidan oo ka yimid magaalada Muqdisho, sidoo kalena dagaalka ay qayb yihiin ka yihiin kooxo nabadiid ah iyo argagixiso.

Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dharbaaxo kulul ay ku dhufatay ciidanka huwanta oo ay tilmaamtay inay weerar kusoo qaadeen fariisama ciidamadooda ee ku yaalla galbeedka.

“Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Somaliland.

Halkan joose ka aqriso:-

Waxaa fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Galbeed Magaalada Laascaanood soo weeraray kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay shacabkooda ka difaacaan kooxaha Argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dadka shacabka,kooxahan oo isaga kala yimi meelo kala duwan.

Waxay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u cadaynaysaa Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah in kooxahan Argagixisada ah ee dagaal kula jira Somaliland ay khadar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, waxayna Dawladda Somaliland ku baaqaysaa in la iska kaashado kooxahan Argagixisada ah sidii looga sifayn lahaa Magaalada Laascaanood.