Madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka Xamar oo qarka u saaran ‘kala dhimasho’

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho guri iyo goob ganacsi oo aan la canshuurin ma jiraan, haddana guri iyo goob ganacsi oo bad-qaba ma lahan.

Shirqoolka, dilalka tooska ah iyo afduubka gabdhaha yar yar ayaa caadi ka noqday magaalada Muqdisho dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Dhaca xilliga habeenkii ah wuxuu waqti dheer ahaa taxane soo jireen ah. Magaalada waxaa ka dilaacay burcad wajiyo badan.

Maalin walba daawasho aan la jecleysanin ayaa la daawanaya ilmada waalid caruurtoodii la dilay. Ilintooda waxaa ku lamaansan cadaalad ayaa rabna iyo dowladda wax ha noo qabato, laakiin cid u jawaabeysa majirto.

Masuuliyad darro weyn ayaa ka jirta magaalada ugu dadka iyo dhaqaalaha badan Soomaaliya. Dadweynuhu waa u dulqaadan la’yihiin meydadka ay maalin walba xabaalayaan. Xamar waxaa ku dilaya Al-Shabaab, Ciidanka Dowladda, Daacish, waxaa kale oo hadda kusoo biiray burcadan la baxday ciyaal-weero.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa u muuqda inuu si weyn ugu fashilmay wax ka qabashada adeegyada aas-aasiga ah ee caasimada sida; bilicda, amniga, kaalmada caafimaadka, midda waxbarashada, shaqo abuurka iyo inuu shacbiyad u sameeyo dowladda.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa u muuqda inuu dhinac iskaga riixay ka jawaabida baroorta iyo ilinta joogtada ah ee dadka reer Muqdisho.

Inay shacabka caasimada iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala dhintaan hadda meel majirto, sababta oo ah dareenku kuma siinayo dil afar jiho kaga socda iyo bixinta baad saddex dhinac ah, iyo weliba canshuur kugu waajib ah oo aan haddana lagu adeegayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud su’aasha ugu weyn ee ay shacabka jawaabteeda ka sugayaan waa cidda qaadeysa masuuliyada guul-darada dhinac walba ee ka muuqata magaalada Muqdisho.

Hay’addaha garsoorka iyo laamaha amniga weli ma muujin wax ka qabasho u dhiganta dhibaatada taagan. Dadka caasimada degan weli waxay bixinayaan canshuur aan laheyn difaac iyo adeeg dowladeed midna.

Lamana yaqaano inta ay sii socon karto canshuur bilaa adeeg ah, haddii aanay dowladda la imaan isbedel muuqda waqtiyada soo aadan.