AL-SHABAAB oo shaacisay inay dagaal kula wareegtay deegaanka Deynuunaay

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Deynuunaay oo ka tirsan gobolkaas oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu dagaal xoog leh ka qarxay halkaasi, kaas oo u dhexeeyey raggii weerarka qaaday iyo ciidamada huwanta.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla-markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Al-Shabaab ayaa guullo waa weyn ka sheegatay dagaalka iyo weerarka ka horreeyey, waxayna ay shaacisay inay la wareegtay saldhigga uu dalka ka dhacay & Deynuunaay.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in khasaare xoogan ay gaarsiiyeen ciidamadii ku sugnaa halkaasi.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ayaa weeraro culus oo dhimasho iyo dhaawac dhaliya ka geysta gobolladaas oo dhaca koonfurta dalka.