Hanti-dhowraha oo dagaal toos ah ku qaaday Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowraha Qaranka ayaa bam siyaasadeed ku qarxiyey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku jira maalmihii ololihiisa dib u doorashada.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu muddo dheer ahaa siyaasi ku dooda inuu ka maran yahay musuq-maasuq, wuxuuna rabay inuu cinwaanka ololihiisa ee sanadkaan noqdo siyaasi aamin ah, laakiin qoraalkii uu soo saaray Hanti-dhowraha Qaranka ayaa cagta mariyey hal ku dhigii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo.

Hanti dhowrka wuxuu soo faagay waxyaabo badan oo dhacay 18-kii bilood ee lasoo dhaafay, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed lama filaan ku noqday.

Lacago badan ayaa la dhacay, sida ay sheegtay warbixinta Hanti-dhowraha, waxaa la sameystay Akoono gaar ah, deeq lacageed ayaa maqan, waxaana kaloo yaab ah inay jiraan lacago lagu xaday Safaaradaha iyo qaar aan lasoo marin habraacii miisaaniyadda Dalka.

Waxyaabaha uu Hanti-dhowrka soo bandhigay waxaa kamid ah Kharash bixin dhan 9 Milyan oo Dollar oo aan heysan caddeymo ku filan, taas oo ka dhigan inaan la aqoon sida loo adeegsaday lacagtaas.

Heshiisyo laga sameeyey lacag dhan 31 Milyan oo Dollar oo aan lasoo diiwaan gelin ayaa ku jirta fadeexadda uu Hanti-dhowraha soo bandhigay .

Lacag dhan 17 Milyan oo deeq ah oo la helay ayaan lasoo dhex marsiin nidaamka Maaliyadda dalka, taas oo ka dhigan in si gooni ah loo isticmaalay.

Akoono ka baxsan khasnadda Dowladda oo la furtay oo lacago lagu gurto ayaa kamid ah warbixintii uu Hanti-dhowraha soo bandhigay, taas oo muujineysa inuu socdo boob cad.

Dhakhli dhan 178 kun oo Dollar oo safaaradaha Soomaaliya aruuriyeen ayaan lagu soo darin xisaabta Dowladda, taas oo u dhigan in si shakhsi ah loo qaatay lacagahaas.

Xogta mushaarka ciidanka ayuu Hanti-dhowrku sheegay in aysan ku xirneyn nidaamka maareynta xogta Maaliyadda dalka taasoo iyadana u muuqata in la qarinayo xogta mushaarka ciidanka si tiro aan jirin loogu dhex darsado oo lacago xaaraan ah looga dhex sameeyo.

Warbixinta uu saaray Hanti-Dhowraha waa warbixin culus, faahfaahsan oo si gaar ah u dul istaageysa musuqa ka dhex socda Hey’adaha Dowladda Federaalka ah.

Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayey sidoo kale warbixintu sheegtay inaysan soo gudbin xisaab celinta lacag dhan 78 Milyan oo Dollar oo ay ka heleyn Dowladda Dhexe.

Warbixintaan waxay si toos ah u dileysaa sheegashadii madaxweyne Farmaajo ee aheyd inaysan dowladiisu sameyn wax musuq-maasuq ah .

Hanti-Dhowraha wuxuu u muuqdaa Nin ku shaqeeyey si madax banaan, laakiin xubno kamid ah kooxda Ololaha ee Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dooday inay arrintaan tahay mid loogu talagalay in lagu dhaawaco sumcadda Madaxweyne Farmaajo oo ku mashquulsan sidii uu ugu soo laaban lahaa xafiiska.

Warbixintaan wax weyn ayey u tari doontaa kooxaha kasoo horjeedo Farmaajo, waxayna ka dhigan karaan mid ay ku darsadaan ajandayaashooda ololaha ka dhanka ah Farmaajo kaasoo ugu dambeyn laga jajabiyey cinwaankiisii aaminaada ee uu rabay inuu mar kale ku iibsado madaxtinimada dalka.

Lama ogo inuu jiro khilaaf shakhsi ah oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Hanti-dhowraha Qaranka, sidoo kale xukuumadda Ra’isulwasaare Rooble ayey arrintaan dhex istaajineysaa fadeexo.

Qof ka tirsan howl-wadeenada Villa Soomaaliya wuxuu sheegay inay ka shakisan yihiin in gacmo kale ay ku lug leeyihiin warbixinta Hanti-dhowraha oo kusoo aaday waqti doorasho.

Shaki la’aan warbixintaan waxay abuuri doontaa xiisad cusub oo dowladda dhexdeeda ah, Dowladda Farmaajana way ku adkaan doontaa inay iska leexiso eedaha musuq ah ee loo soo jeediyey.