Kaalin intee le’eg ayuu R/W ROOBLE ku lahaa go’aanka laga gaaray kiiska IKRAAN?

Muqdisho (Caasimada Online) – Cismaan Cilmi Guuleed oo ah garyaqaanka guud ee dalka ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey go’aanka laga gaaray kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo dowladda federaalka ah shaacisay natiijada kiiskan oo ah mid horudhac ah.

Garyaqaanka guud ayaa marka hore soo hadal qaaday dooda ka dhalatay natiijada la shaaciyey, kadib markii si weyn loogu dhaliilay ra’iisul wasaaraha, wuxuuna tilmaamay in Rooble uusan wax shaqo ah ku laheyn go’aanka uu shaaciyey xeer ilaaliyaha ciidamada.

“Ra’iisul wasaaruhu haba yaraatee wax shaqo ah oo uu ku leeyahay ma jirto ee ma taqaana dacwaddaas qaadisteeda wuu ku dadaalay in la madax banneeyo maxkamadaha.” ayuu yiri Cismaan Cilmi Guuleed garyaqaanka guud ee dalka oo wareysi gaar ah siiyey Universal TV.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay maxkamadaha iyo fulinta oo xukuumadda ah ay yihiin laba hay’adood oo kala madax bannaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Maxkamadaha iyo fulintu waa laba hay’adood oo kala madax bannaan marka ra’iisul wasaaraha qaranka waxa uu madax u yahay xukuumadda, maxkamaduhuna ka madax banaan yihiin marka wax ala wixii kiiskaan ku saabsan go’aankiisa waxaa iska leh maxkamadaha,” ayuu markale wareysigan ku yiri garyaqaanka guud ee dalka.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Ciddii markaas cabasho ka qabtana waxaa jira maxkamadaha qaab looga cawdo dacwadadooda oo iyaga dhexdooda ah, maxkamadda darajada koowaad, darajada labaad ayey leeyihiin maxkamadaha ciidamadu marka process loo maro ayaa jira,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida uu habeen ka hor shaaciyey baaris hordhac ah oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax, wuxuuna sheegay in NISA lagu waayey ku lug lahaanshaha kiiska Ikraan Tahiil.

Si kastaba, kiiska gabadhan oo aheyd sarkaalad ka tirsan NISA ayaa xiisad xoogan ka dhex abuurtay madaxda dowladda, gaar ahaan madaxweynaha iyo re’iisul wasaaraha, wuxuuna sidoo kale khilaafkooda sameeyey hannaanka doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka.