Xafiiska Rooble oo jawaab ka bixiyey weerarka uga yimid qaar ka mid ah mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa markii u horeysay ka hadashay weerarka afka ah ee ku bilowday Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo uga imaanaya xubno ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ah.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Musharaxiinta qaar “oo aan dooneyn in doorasho qabsoonto oo raba in sidan dalku sii ahaado ay xagxagasho ku hayaan Ra’iisul Wasaaraha oo dadaal ugu jira sidii doorashooyinka loo dhameytiri lahaa.”

“Doorashada waa masuuliyad waddareed ay hormuud u yihiin Gollaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban DFS & Dowlad Goboleedyada, balse siyaasiyiinta qaar ee bartilmaameed ka dhiganaya Ra’iisul Wasaaraha waa baroorta orgiga ka weyn, waxaana laga leeyahay dano gaar ah oo lagu carqaladeynayo doorshada oo u eg fariimo shisheeye. Tabasho iyo tiigsi waa kala labo .Talo keen lahow ama talo raac lahow,” ayuu Macalimuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Dhanka kale Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in ujeedka weerarkaas uu yahay “jah-wareerin lagu sameynayo bulshada Soomaaliyeed.”

Waxa uu si weyn uga difaacay eedeymaha doorashada ee loo jeediyay Ra’iisul Wasaaraha oo asagu ah mas’uulka u sareeya ee majaraha u haya hanaanka doorashooyinka iyo amnigeeda.

“Waxaan arkay shaqsiyaad baraha bulshada ku weeraraya Raysalwasaare Maxed Xuseen Rooble Kuwaas oo isku dayaya in duruufo iyaga ugaar ah ay ku jahawareeriyaan bulshada Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsanyihiin doorka uu Raysalwasaaruhu ka qaatay badbaadinta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed iyo sida uu ugu dhabar adaygay xaaladihii murugsanaa ee sanadkii ugu danbeeyay dalku wajahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiinta qaarkood isku dayaan in Ra’iisul Wasaare Rooble u isticmaalan hub ay ku weeraraan dad kale, haddii ay taasi awoodi waayana isku dayaan inay suurad xumeeyaan, sida uu hadalka u dhigay.”

Raysalwasaare Rooble wuu yaqaannaa shaqada utaala wuuna gudanayaa, Shacabka Soomaaliyeedna weey miisaamikaraan erayada marinhabaabinta iyo gefka ah ee laga leeyahay danaha dahsoon.”

“Dalku doorasho ayuu ku jiraa qofkastana calafkiisa ayuu qaadayaa, balse cidna kuma haboona in ay maslaxadeeda gaarka ah ku cabirto danaha guud ee Qaranka,” ayuu ugu dambeyntiina ku yiri qoraalkiisa.

Hadalka Al-Cadaala ayaa imanaya kadib markii uu Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha uu si lama filaana weerar dhanka afka ah ugu qaaday ra’iisul wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa marka hore su’aallo badan ka keenay xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan sida uu ku soo dhammaaday kiiska Ikraan Tahiil oo uu ra’iisul wasaaruhu horay u ballan qaaday inay heli doonto cadaalad, dib u dhaca ku yimid doorashooyinka 2021, iyo dhalinyaradii loo qaaday wadanka Eritrea.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in arrimahan oo idil ay ku soo aadayaan, kadib safarkii Rooble uu ku tegay Qatar oo uu ku tilmaamay inuu shaki weyn ka dhashay.