Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii 2-aad ee raggii weeraray Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sii deysay wareysi horay looga qaaday ninkii labaad ee ka qayb-qaatay weerarkii tooska ahaa 23-kii bishan March lagu qaaday gudaha Xerada Xalane, kaas oo lagu dilay ugu yiraan 6 qof oo u badan ajaaniib.

Ninkan ayaa magaciisa ku sheegay Cabdi Xasan Cabdulle Malaaq (Asad Garaad), wuxuuna kasoo jeedaa Beesha Raxanweyn, gaar ahaan Jilible, sida uu ku sheegay wareysiga.

Cabdi Xasan ayaa sheegay inuu sanadkii 2005-tii ku dhashay deegaanka Ceelgaras oo hoostaga degmada Tiyiglow ee gobolka Bakool.

Wareysiga laga qaaday ayuu sidoo kale ku sheegay inuu ka qeybgalay dagaallo kala duwan oo ka dhacay dalka, ugu dambeyna uu ku biiray kooxda ismiidaamiyeyaasha ah.

Sababta ku kuliftay weerarkan wuxuu ku sheegay in difaacayo Diinta Islaamka, kana soo horjeedo dulmiga lagu haayo dadka muslimiinta ah ee Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii aan nafta bixino ilaahey haddii Janno noogu beddalaayo marka adduunkaan waa uga tegaa,” ayuu ku yiri wareysiga laga qaaday ninkaas oo ay sii deysay Andaluus.

Al-Shabaab ayaa horey u shaacisay magaca iyo qabiilka mid ka mid ahaa raggii dhowaan fuliyey weerarkii Xalane, wuxuuna ahaa Maxamed Macalin Axmed oo (Cabdirisaaq-Juleybiib) oo sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Eelaay, gaar ahaan Jufada Geed Fade.

Weerarkaas ayaa dhaliyey khasaare xoogleh iyo burbur, waxaana sidoo kale ka dhashay walaac haatan laga muujinayo amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho