Al-Shabaab oo sheegasho culus kasoo saartay weerarkii Cowswayne

Dhuusmareeb (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo war soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay weerar ay saaka dagaalyahanadeeda ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla deegaanka Cowswayne oo 20 KM u jira magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo xubnaha Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Kooxda ayaa sheegtay inay weerarkan kula wareegtay saddex saldhig oo ku yaalla halkaasi, isla-markaana ay qabsadeen hubkii iyo gaadiidkii yaalay halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay dishay illaa 178 askari, sida ay ku sheegtay bayaanka ay soo saartay oo lagu baahiyay internet-ka.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalka, waxayna shaacisay in ciidamada huwanta ay ka hortageen weerar uga yimid Al-Shabaab, sida ay baahisay Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga.

Sidoo kale warbaahinta qaranka ayaa intaasi kusii dartay in la fashiliyay gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kadib markii ay ciidamadu ka war heleen xogta weerarkaasi.

“Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa fashiliyay weerar ay saaka maleeshiyada Khawaarijta ah ku soo qaadeen deegaanka Cowswayne oo dhawaan laga xoreeyay. Ciidanka Qaranka oo hayay xogta Khawaarijta ayaa jilibka udhigay Khawaarijta oo watay gawaari qaraxyo ku rakiban yihiin,  Dagaal ayaa wali ka socda nawaaxiga deegaanka” ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay waraabhinta dowladda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Ciidamada Qaranka ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ka sifeeyay inta badan dhulka Galmudug iyo Hirshabeelle ,waxaana socda dhamaystirka hawlgalka.”

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada labada dhinac, balse xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, ayadoo weli dhaq-dhaqaaqyo ay ka jiraan halkaasi.

Deegaankan ayaa kamid ahaa deegaano ay todobaadkii hore la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee haatan howlgallada ka wada gobolka Galgaduud.

Cowswayne ayaa ah deegaan muhiim ah oo dagaal-yahaanada  Al-Shabaab u ahayd goob ay ka difaacaan degmada Ceelbuur oo ay sidoo kale shalay la wareegeen ciidanka huwanta.