Xildhibaan ka tirsan BF Soomaaliya oo hambalyeeyay guusha SSC-Khaatumo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Qowdhan Warsame oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay bariga magaalada Laascaanood, kaas oo lagu jabiyay ciidamada milatariga Somaliland.

Xildhibaanka oo hadal siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa soo dhaweeyay guusha ay gaartay SSC-Khaatuma, wuxuuna u diray hambalyo ku aadan guusha dagaalkii shalay.

Cabdi Qowdhan ayaa tilmaamay in maamulka cusub ee SSC uu cagta saaray waddadii horumarka, isla-markaana uu durbo soo ceshaday xuduudihiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Maamulka halkaa ka dhisay ee SSC-Khaatuma waxaan idin leeyahay hambalyo muddo yarbaa dhisneydeen waxaa alle idin ku guuleeyay in aad dhammaan xuduudihiinii aad hanataan, mas’uuliyad adag ayaa idin taal allahana idinku guuleeyo” ayuu yiri Qowdhan.

Sidoo kale wuxuu kusii daray in Somaliland ay tacaddiyo ka geystay Laascaanood, balse ugu dambeyntee shalay iyadaga khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay dagaalka.

“Meeshaa waxaa ka dhacay in maamulkii tacaddiga ku haayay laga guuleystay agabkoodii milatariga la burburiyay, maxaabiis badana laga qabtay” ayuu mar kale yiri.

Dhanka kale, wuxuu farriin culus u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay garab istaago maamulka iyo shacabka SSC-Khaatuma ee la dagaalamaya Somaliland.

Hay’adaha dowladda federaalka ayuu si gaar ah uga codsaday inay adeegyadooda iyo gurmadba gaarsiiyaan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

“Waxaan dowladda Soomaaliya iyo hay’adaheena kala duwan ugu baaqayaa, gaar ahaan kuwa amniga iyo arrimaha bulshada inay si buuxda uga howlgalaan deegaanadaas, gaarsiiyaan waxyaabaha looga baahan” ayuu mar kale hadalkiisa raaciyay xildhibaanku.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.