Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo soo saartay bayaan culus ayaa ka hadashay qarax gelinkii dambe ee Jimcihii shalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegtay inay ku beegsatay ciidamo la tirsan kuwa Boolis Milataaro oo ku sugnaa agga dalcadda degmada Kaxda, waxayna sheegtay in bartilmaameedka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.
Kooxda ayaa sheegatay in qaraxan ay ku dishay illaa 4 askari, ayna ku dhaawacday tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay ku shaacisay bayaankeeda.
Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kaxda ayaa ka hadlay dhankooda qaraxa, waxayna xaqiijiyeen oo kaliya dhaawaca 7 askari, iyaga oo meesha ka saaray inay jirto dhimasho, sida ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana Kaxda howlgallo kooban oo baaritaanno ah ka sameeyay ciidamada ammaanka, kadibna waxaas si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa guud.
Inta badan waxaa degmadan oo ku taalla cirifka Muqdisho weeraro culus ka fuliya maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhashay khasaarooyin xoogan.
Si kastaba, weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya caasimada, kuwaas oo badan weeraro ay fuliso kooxda Al-Shabaab.
Weerarrada u badan ee dhacay maalmahan ayaa ahaa kuwo hoobiyeyaal ah oo bartimaameedyo muhiim ah ay ku garaacday kooxda, waxaana qaarkood ay khasaare kasoo gaareen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

