Al-Shabaab oo toogasho iyo gacan goyn ka geystay Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay xukunno kala duwan ka fuliyey deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe oo ay maamulaan.

Cabdullahi Cabdi Cusmaan oo 47-sano jir ahaa ayey Al-Shabaab ku toogteen fagaare ku yaalla deegaanka Koonya-Barrow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Nin sheegtay Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ayaa dadkii la isugu keenay fagaaraha ay toogashadu ka dhacday waxuu ka hor sheegay, in marxuum Cabdullahi Cabdi Cusmaan lagu helay dil uu kol hore u geystay nin lagu magacaabi jiray Macalin Aways Arboow Maxamed.

Sidoo kale Al-Shabaab waxay fagaare ku yaalla degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe gacantiisii Midig uga jareen wiil dhalinyaro ah oo 18-sano jir ah.

Wiilkaas waxaa lagu magacaabaa Mukhtaar Muxidiin Maxamed, waxayna ku eedeeyeen inuu jabsaday Dukaan, kadibna uu kala baxay lacag iyo Mindi.

Lacagta lagu eedeeyey wiilkaas inuu kala baxay dukaanka ayaa dhan 2600 oo shilin Soomaali ah, waxayna Al-Shabaab ku xukumeen inuu dib u bixiyo lacagtaas, iyagoo ka jaray gacandiisii Midigta.

Al-Shabaab deegaanada ay dalka ka maamulaan waxay ka geystaan dilal ay intooda badan ku fuliyaan fagaare ay dad badan isugu keenaan, waxayna inta badan dadka ay dilaan ku eedeeyaan basaasnimo iyo xatooyo, taas oo cabsi badan ku abuurtay dadka ku nool deegaanada ay dalka ka joogaan xiligan.