Kenya oo shaacisay qaab cusub oo ay uga hortageyso weerarada Al-Shabaab

Nairobi (Caasimadda Online) – Saraakiil katirsan Booliiska Kenya ayaa Warbaahinta gudaha dalkaas u sheegay in ilaalo gaar ah loo sameeyay dadka isaga kala gudba Magaalooyinka ay ku badan yihiin weerarada Al-Shabaab ee dalkaas.

Waxa ay sababtu ku tilmaameen in aysan dadku ka baaqan Karin socdaalka joogtada ah gaar ahaan dhammaadka sanadka oo ay aadaan dadka kiristaanka ah meelo gaar ah oo ka baxsan Deegaannada ay ku nool yihiin.

Sidaas awgeed waxa ay Dowladda Kenya ayaa sheegtay in mas’uuliyad ka saaran tahay sugidda ammaankooda loona xilsaaray Ciidamo si gaar ah u ilaaliya gawaarida ay ku safrayaan si meesha looga saaro cabsida ay ka muujiyeen weerarada Jid galka ah ee Shabaab.

Kenya ayaa sheegtay in maanka ay ku heyso weerarkii Jimcaha ka dhacay Deegaan katirsan Wajeer, isla markaana Al-Shabaab ay wateen Guddoomiyihii Deegaanka Gummarey sida ay hadalka u dhigeen.

Dowladda Kenya ayaa todobaadkii hore sheegtay in 40-xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen dalkaas, waxaana ay soo jeediyeen laamaha ammaanka in feejignaan laga galo weeraro ay fulin karaan Raggaas.