Waa kuma amiirka la gartay ee ka tirsan Al-Shabaab ee u tallaabay dalka Kenya?

Gaarisa (Caasimada Online) – Dadka deegaanada Amuma iyo Hemey ee ismaamulka Gaarisa ayaa dareemaya cabsi weyn kadib markii tobaneeyo ka tirsan dagaalyahanadan Al-Shabaab ay kasoo talaabeen xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Dagaalyahanada Al-Shabaab waxey inta badan weeraro ka geysataan gudaha Kenya, waxaana heegan la galiyay Booliska ku shaqada leh xoojinta ammaanka ismaamulka Gaarisa.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw waaxaha ammaanka ayaa wargeyska Daily Star u sheegay in gudaha Kenya uu soo galay Mowliid Cabdi Xuseen oo ka yimid Somaliya, waxaana la sheegay inuu ka khudbeeyay mid ka mid ah masaajidda maxaliga ah ee deegaanka, isagoo sheegay inuu sii wadi doono weerarada ka dhanka ah dadka reer Kenya.

Warbixinada ay booliska baahiyeen ayaa lagu sheegay iney saddex waddo isticmaaleen dagaalyahanada oo tiradooda lagu khiyaasay 40, kuna hubeysnaa qoryaha AK47 iyo PKM.

Booliska waxey fahamsansan yahiin in kooxda gudaha usoo gashay Kenya ay durba qorshe leeyahiin, isla markaana ay calaameysteen bartilmaameedyo ay ka mid yahiin xarumaha anteenooyinka shirkadaha isgaarsiinta Kenya iyo xerooyinka baaritaanada, sidoo kalana cabsi ayaa laga qabaa iney wadooyinka wax ku aasaan.

Rono Buunei oo ah taliyaha booliska ismaamulka Gaarisa ayaa sheegay iney xoojinayaan ammaanka deegaanka, isla markaana ay isku dayi doonaan iney baajiyaan hawlgallada ay damacsan yahiin kooxaha ay ugu yeereen argagixisada.

Al-Shabaab waxey caan ku noqdeen iney weeraro ka geystaan gobolada ismaamulka Somalida, waxeyna bartilmaameedsadaan ciidamada Kenya iyo sidoo kale shirkadaha ay sida gaarka ah u leeyahiin muwaadiniinta Kenya.