Waa maxay ujeedka kulanka musharaxiinta mucaaradka maanta uga socda Xamar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan uu shir xasaasi ah uga socdaa xubnaha Midowga Musharraxiinta ee 2021-ka..

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, siiba muranka ka taagan guddiyadeeda.

Sidoo kale waxa ay musharraxiinta mucaaradka ay kulankooda ku soo qaadi doonaan xaaladihii u dambeeyey ee soo kordhay, gaar ahaan dibad-baxyadii ka dhacay Muqdisho.

Waxaa sidoo kal shirka ka soo muuqday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo safar deg deg ahaa ugu baxay dalka Ruushka.

Midowga Musharraxiinta ayaa si weyn uga biyo diidan hannaanka ay dowladda dhexe ee federaalka ku wajaheyso doorooshooyinka dalka oo uu dib u dhac weyn ka muuqdo.

Shirkan ayaa ku soo aadaya, iyada IGAD ay ku baaqday in xal waara laga gaaro arrimaha doorashooyinka, si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed oo hor leh.