Al-Shabaab oo toogasho ka geysatay dalka KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ka geysteen deegaanka Pandaguo ee ismaamulka Lamu ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan laba qof oo shacab ahaa, sida ay shaaciyeen saraakiisha Booliska Kenya oo ka hadlay weerarka oo dhacay habeenkii Kirismaska.

Sidoo kale xubnaha weerarka fuliyay ayaa dab qabadsiiyay guryo ku yaalla halkaas, kuwaas oo ay daganaayeen dad shacab ah, waxaana gubtay dhowr guri.

Booliska ayaa haatan wada howlgallo ay ku baadi goobayaan kooxda weerarka fulisay oo baxsatay, kadib dhacdadaasi.

Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Xeebta John Ellungata oo ka hadlay dhacdadaan ayaa shaaca ka qaaday in weerarka kadib uu dagaal dhex-maray ragga hubeysan iyo ciidamada Kenya oo uu sheegay in ay iska caabin sameeyeen inta uu socotay is rasaaseynta.

John Ellungata ayaa farriin culus u diray dadka deegaanka, isaga oo ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka ee Booliska dowladda Kenya.

“Xaaladdu waa degan tahay, waxaan joognaa goobta askar roondo ah, waxaana ka codsanaynaa xubnaha bulshada inay noo sheegaan waxay og yihiin inay naga caawiyaan baaritaanada inta aan wadno howlgallada,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Xeebta.

Muddooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha Kenya, waxaana todobaadkii hore ay qarax la beegsatay ciidamo ka tirsan kuwa dalkaasi.