Daawo: Maxamed Idiris oo si cajiib ah uga hadlay fashilka DF ka haysta shaqaalaheeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee waaweyn ayaa ka hadlay arinta hadal-heyta badan abuurtay ee ku saabsan soo xaadiridda shaqada ee shaqaalaha dowladda, dhawaan waxaa lasoo bandhigay tirada shaqaalaha sida joogtada ah waajibaadkooda u guta iyo kuwa iska maqan.

Tiro-koob ay maalin ka hor soo bandhigtay dowladdu ayaa daaha ka qaaday in 80% shaqaalaha dowladda aysan soo shaqo tegin oo mushaarka ay macno darro ku qaataan.

Hadalheyn iyo falcelin bulsho oo xoog leh ayaa ka dhalatay arrintaan, waxaana arrintaas si adag uga hadlay Sheekh Maxamed Idiris oo wareysigaan siiyey TV-ga Shabelle, wuxuuna dalbaday in dadkaan maqan la daba-galo oo lasoo ogaado cida qortay iyo tirada lacagta ay macno darrada ku qaateen, si looga soo celiyo hadii ay suurtaal noqoto.

Sheekh Maxamed Idiris ayaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u diray fariin uu uga codsanayo inay arrintaan deg deg wax uga qabtaan, oo maalmaha soo socda la arko dad badan oo shaqada laga ruqseeyey iyo kuwo laga soo celiyey lacagihii ay iska qaadan jireen.

“R/Wasaare Xamse waxaan ka rajeynayaa in shaqadaan uu ku cibaadeysto, sidii uu hadda ka hor noo sheegay, dadkeenu waxay u baahan yihiin cadaalad iyo isla xisaabtan, waxaan oo kale dunida kama dhacaan,” ayuu yiri.

Sheekh Maxamed ayaa dul istaagay dhaliilaha dul-hoganaya hey’adaha dowladda oo aad u badan, isagoo su’aal ka keenay sababta ay u sameysan yihiin wasaaradaha qaar oo wax shaqo ah aan laga qabanin.

“Soomaaliya markii horaba 70 wasiir uma baahneyn, 30 wasaaradood uma baahneyn, 7 ilaa 10 wasaaradood ka badan dalkaan ma qaadi karo, dad la iska qorayo, iyadoo shaqo loo qoro aan loo heyn, waxay muujineysaa in Soomaaliya aan dowladnimo laga rebin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Shiiqaan.

4,535 oo qof ayaa la cadeeyey in shaqadooda aysan soo xaadirin, wuxuuna Shiiqu ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha in arrintaan ay deg deg wax uga qabtaan oo umadda Soomaaliyeed ay dhaqaalaheeda u badbaadiyaan.

Sheekh Maxamed Idiris, mar uu ka hadlay amni darrada Muqdisho wuxuu madaxweynaha ku taageeray hadalkii uu dhawaan ka hor sheegay booliska, isagoo ku eedeynaya inay amniga ku talagal u dayacaan.

“Madaxweynaha waxaan ka sugeynaa hadii uu rabo inuu Janada galo oo taariikh sameeyo, madaxweyne dadkaan shaqada ka ceyri oo xabsi gey kuwa muteysta, meeshaan waxaa ku jira dad aan u naxayn bulshada, Madaxweyne qoorta uga istaag dambiilaha, anaga ayaa kugu taageeri doona dariiqaas wanaagsan ee isla xisabtankee,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Maxamed Idiris.

Hoos ka daawo