Daawo: Arrinta muhiimka ah ee Saadaq Joon uu kusoo qaaday kulankii BF ee maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka hadlay kulankii labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay qoondada ay miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda ku leeyihiin hey’adaha amniga.

Xildhibaanada labada aqal oo maanta yeeshay kulan wadajir ah ayaa ka dooday miisaaniyadda, waxayna xildhibaanadu ka aragti dhiibanayeen dul-duleelada odorkaan miisaaniyadeed sanadka 2023-ka.

Xildhibaan Saadaq Joon ayaa soo jeediyey in hey’adaha ammaanka miisaaniyadda loo wada kordhiyo, isagoo dhaliilay sababta looga tegay oo miisaaniyadda aan loogu kordhin sanadkaan wasaaradaha amniga iyo cadaaladda.

“Sababta looga soo tegay wasaaradda amniga waxaan u maleynaa wasiirkii ayaa dhaawac ah, marka waxaan aragnaa in wax miisaaniyad ah aan loo kordhin hey’adihii amniga iyo cadaaladda, taasna sax maahan,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa codsaday in miisaaniyadaan dib loo celiyo oo lagu soo daro wasaaradaha amniga iyo cadaaladda oo ay kala hoos tagaan ciidamada Booliska iyo Asluubta.

Hoos ka daawo