Al-Shabaab oo toogatay shan ruux ‘oo ay ku sheegtay basaasiin’ + Magacyada

Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shan xubnood oo ka mid ahaa kooxda ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kuwaasi oo ku eedeysan basaasnimo.

Shanta ruux ee kooxda ay toogatay ayaa waxay sheegtay inay ahaayeen basaasiin la shaqeynaayay sirdoonada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Raggaan oo da’doodu u dhaxeyso 25 illaa 41 sano ayaa waxay kooxda shalay ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Jilib, waxayna kooxdu sheegtay in dhamaantood ay qirteen inay basaasiin u ahaayeen sirdoonada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kan Mareykanka ee CIA-da.

“Dhammaan xubnahan jawaasiista ah ee shan-ta ah waxay maxkamadda – Jubboyinka ka hor qirteen inay basaas u ahaayeen sirdoonnada (DF) iyo midka Maraykanka ee (CIA) ayna ka dambeeyeen duqaymo kala duwan oo ka dhacay wilaayaadka islaamiga ah oo loo gaystay dad muslimiin ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyay baraha taabacsan ee Internet-ka.

Sidoo kale waxay kooxdu sheegtay in mid kamid ah shanta ruux ee toogashada lagu fuliyay uu masuul ka ahaa dilka Maxamed Dulyadeyn oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka kooxda Al Shabaab.

Dulyadeyn ayaa waxa uu ku dhintay weerar ay qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ay taageerayeen kuwa dowladda Maraykanka, waxa la dilay bishii Juun ee sanadkii 2016-kii.

Kooxda ayaa shaacisay magacyada shanta xubnood ee shalay lagu toogtay fagaare weyn oo ku yaalla degmada Jilib, kuwaasi oo kala ah;

  1. Cabdicasiis Aadan Maxamed oo 41 sano jir ah – wuxuu ushaqaynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.
  2. Cumar Cabdi Aadan (Dhagaweyne) oo 27 sano jir ah – wuxuu la shaqaynayay sirdoonnada DFS-ka iyo CIA-da Mareykanka.
  3. Madeey Idbow Madow oo 25 sano jir ah – wuxuu la shaqaynayay sirdoonnada DF-ka iyo Mareykanka.
  4. Mustaf Isxaaq Xasan oo 26 sano jir ah – wuxuu la shaqaynayay sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.
  5. Xuseen Cumar Yuusuf oo 35 sano jir ah – wuxuu la shaqaynayay sirdoonka Maraykanka.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan deegaanada ay gacanta ku hayso waxay ka fulisa toogashooyin lamid ah midda shalay, oo ah dad ay ku eedeeyaan inay basaasiin u yihiin oo la shaqeeyaan sirdoonada DF Soomaaliya, Mareykanka iyo Kenya.