Cali Cosoble: Puntland waa curad caasi noqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa soo saaray qormo cusub oo uu cinwaan uga dhigay “Puntland waa curad caasi noqotay” taasi oo uga hadlayo doonista Puntland iyo isa-seegooda dowladda federaalka Soomaaliya.

Cali Cosoble ayaa waxa sheegay in Puntland ay ku faa’iiday magaca Soomaaliyeed, iyada oo waxa maamulkaasi uu ka helay Soomaaliya aysan helin maamullada Galmudug, HirShabelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, sida uu ku yiri qormadan.

“Taariikhda marka dib loo raaco waxa ay Puntland (ex Migiutinia) ka heshay Soomaaliya ama ku heshay magac Soomaaliyeed ma aanay helin Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, haddana waxaa haboon maadaama ay Puntland ilaa iyo heer horumartay iney u ololeyso sidey walaalaheed u horumari lahaayeen una soo gaari lahaayeen.”

Hoos ka aqriso qormada oo dhameystiran:

Puntland waa curad caasi noqday.

Sidii loo lahaa curadka ha loo roonaado, wax walbana loogu badinaayay, ayey hadda mareysaa roonaanshihii ha naloo sharciyeeyo, haddii kalena wax walba waa bannad, gow iyo gash ma leh.

Markaad muraayadda isku eegtay ee aad aragtay inaad ka qurux badan tahay, joog iyo jamaalna dheer tahay walaahaa ma aheyn inaad kibir iyo isla weyni la timaadid. Wexey aheyd inaad ku fekerto iney walaalahaa ayagana quruxdaada iyo joogaaga oo kale yeeshaan.

Shalay waxaad dooneysay wexey aheyd in federaal la noqdo, intii kula dhalatay ayaad ku qasabtay fikirkaagii, ayagana wey kula qaateen, balse halkaad fikirkii aad keentay wanaagiisa bari laheyd walaalahaa, waxaad isu beddeshay keligii cune iyo keligii daneyste.

Ratiga yar wuxuu ku deydaa ratiga weyn, wax aad wanaag moodo oo Soomaali bohol ka sii tuuraya ayaad yaryarkii kula dhashay tuseysaa. Waxaad sheegatay maamul goboleedka Puntland, tiiyoo laga wada shaqeynayo ayaad u guurtay dowlad goboleed, haddii misana lagugu deyday waad ka guurtay, maanta waxaad sii mareysaa Dowladda Puntland, saa curadkii baad tahay inta kalena wey kugu dayataa adigana waxaad mar walba muujisaa inaadan ku qanacsaneyn tallaab kasta ee ay qaaddo dowladda.

Waxaad aad u sheegtaa inuu khilaaf soo kala dhex galay labada dowladood ee kala ah Dowladda Puntland iyo Dowladda Soomaaliya”, iney taleefan ku wada hadleen madaxweyneyaasha dowladaha Puntland iyo Soomaaliya. Federaalka markaad nagu qancineysay nooma aadan sheegin inaad dowadd dhexe faceysan doonto.

Waxaad si weyn ugu celcelisaa oo aad inta kale tusaaleysaa qodobka ah “dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka”. Waxaa jira dowlado xubno ka ah golaha ammaanka, dowlado xubno ka ah EU, dowlado xubno ka Jamacadda Carabta. Xubin ahaanshaha wexey muujineysaa inaad ka bixi karto ama lagaa saari karo golaha, waxaana sidaa meesha uga baxaya qarankii Soomaaliya, sababtoo ah xubno qaran ma noqon karaan, gobolna xubin kama noqon karo waddan.

Laga soo bilaabo xilligii ay Majertiniya la heshiisay Talyaniga oo ay aqbashay iney noqoto maxmiyad Talyaani ilaa iyo waqtigan la joogo ma dhicin iney shacabkaas ka qadaan deeq ku timid magaca Soomaaliya.

Waxaa la soo maray xilli uusan Talyaniga shaqo siin jirin qof aanan ka soo jeedin degaankaas, sidoo kalana uusan waxbarasho dalkiisa ugu diri jirin reer kale. Maanta waxaa la idinka helayaa qof uu awowgii shanaad ahaa jaamici dalka talyaaniga wax ku soo bartay.

Waxa keliya ee dhaxalgalka ah ee laga hayo dowladdii Kacaanka, marka laga reebo qoritaanka luqadda Soomaaliga adinkaa heysta, waana dekedda Boosaaso iyo waddada isku xirta Boosaaso iyo Gaalkacyo, labadaas oo ah furaha horumarka ay Puntland gaartay.

Taariikhda marka dib loo raaco waxa ay Puntland (ex Migiutinia) ka heshay Soomaaliya ama ku heshay magac Soomaaliyeed ma aanay helin Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, haddana waxaa haboon maadaama ay Puntland ilaa iyo heer horumartay iney u ololeyso sidey walaalaheed u horumari lahaayeen una soo gaari lahaayeen.

Waalidka waxaa laga rabaa hadduu wiilka curadka ah isku filnaado inuu ka shaqeeyo sidey kuwa kalena isugu filnaan lahaayeen. Wiilka curadka ahna waxaa laga rabaa inuu ku kaalmeeyo waalidka sidii kuwa la dhashay loo korin lahaa oo loo soo gaarsiin lahaa heerka uu joogo.

Puntland wexey faani kartaa oo qurux badan tahay marka ay afartii kale ee la dhalatay qurux badan yihiin hareeraheedana deggan yihiin. Laakin maxaad ku faantaa, yaadse u faani kartaa markey afartii kula dhalatay sabool yihiin.

Noqo curad baari ah oo aanan keligii cune aheyn kana billow inaad labada dekedood mid dakhligeeda ku wareejiso dowladda dhexe si ay wax ugu qabato walaalahaa.