Golaha Wasiirada Puntland oo qaaday tallaabo lagu xalaaleynayo damaca DENI

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha wasiirada maamulka Puntland ayaa ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi, taasi oo ay hore uga digeen mucaaridka Puntland, oo ku macneeyay qorshahaan inuu qeyb ka yahay damaca muddo kororsi ee madaxweyne Saciid Deni.

Shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoomooyiye madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu goluhu cod gacan taag ah ku ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka, islamarkaana xisbiyada siyaasadda maamulkaasi laga dhigo shan xisbi, halka ay awal aheyd saddex xisbi.

Golaha ayaa go’aankan uu ku meel-mariyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi, u cuskaday dalabka ururada siyaasadda ee ahaa in la badiyo tirada Ururada u gudbaya xisbiyada siyaasadda, taasi oo uu markii hore gadaal ka riixayay madaxweyne Deni.

Dhinaca kale, Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qodobo ay ka midyihiin amniga, dib-u-dejinta ardeyda ay saameysay xaaladda Sool iyo Sudan, dardar-gelinta Doorashada goleyaasha deegaanka.

Golaha ayaa waxa kale oo loo gudbiyay warbixinta xaaladda gaadiidka dowladda iyo curashada roobabka gu’ga, oo laga cabsi qabo in bulshada ay waxyeelo badan kasoo gaarto fatahaadaha iyo daadadka roobkaasi.

Golaha Wasiirada Dowladda Puntland iyagoo , Goluhu wuxuu soo jeediyay in laga dhigo Xisbiyada Siyaasadda 5 Xisbi halka ay awal aheyd 3 Xisbi, waxaana soojeedintaas oo si aqlabiyad leh Goluhu u ansixiyey loo gudbinaya Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, kadib markii uu kulan xasaasi ah la yeeshay ururada siyaasadda.

Saciid Deni ayaa dhawaan waxa uu isugu yeeray ururada siyaasadda, isaga oo kala hadlay furitaanka dastuurka maamulka Puntland, si ururada kusoo baxaya doorashooyinka dowladaha hoose looga dhigo shan, halka dastuurka uu qorayo saddex urur siyaasadeed.

Si kastaba, Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.