DF Somalia oo soo saartay digniino hor leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniino hor leh, kuwaasi oo la xiriira waxyeelo xooggan oo ka dhalan karta roobab mahiigan ah oo la saadaalinayo inuu ka da’o qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka dalka.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa ka cabsi qabta in bulshada Soomaaliyeed ay waxyeelo badan kasoo gaarto fatahaadaha iyo daadadka roobkaasi ay sababaan, iyada oo warbixin digniin ahna soo saartay.

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay inay ka fogaadaan neelaha qatarta uga imaan karto, maadaama laga cabsi qabo in uu gobollada dalka qaarkood ka da’o roobab mahiigaan ah.

Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa faray shacabka inay muujiyaan feejignan dheeri ah, isaga oo xusay in dhawaan magaalada Qardho ay ku soo rogmadeen daadad, sidoo kalena ay caasimadda dalka ay ka dhaceen dhimasho sababtay roobabkaaasi

“Shacabka Soomaaliyed ha ka fogadaan goobaha biyo mareenada ah, roob xoogan oo mahiigan ah ayaa ku soo wajahan dalka  sidoo kale shacabka waxaan rabnaa inay qaataan talooyinka hay’adda, maadaama isbuuc kasta an soo saarno xaalado aan uga hadleyno roobabka iyo webiyada buux dhaafiyay ee laga cabsi qabo inay fatahaado ka dhashaan,” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka.

Sidoo kale waxa uu shaaciyay inay ka dowladd ahaan wadaan qorsheyaal looga faa’iidaysan doona biyaha, maadaama shacabku ay mar ka cabanayaan biyo yari, halka marka kalena kaga cabto fatahaadaha, sida uu sheegay.

Agaasimaha xarunta qaran  ee howl-gallada gurmadka deg-dega (NEOC) ee hay’adda SODMA oo sidoo kale madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in xarumaha kala duwan ee hay’adda ay mar walba u taagan yihiin inay bulshada Soomaaliyeed siiyaan digniino looga hortagayo dhibaatada.

Agaasimaha oo ay hoos tagto xarunta qaran ka digista halis-wadareedka ayaa sidoo kale maalmo kahor soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobollada dalka ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba.

Qoraal kasoo baxay xilligaasi hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in roob xoogan ka di’i doonaan qaar ka mid ah gobollada dalka sida; Awdal, Waqooyi-galbeed, Sool, Sanaag, Togdheer, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellada-Dhaxe, Banaadir, Shabeellada-Hoose, Jubadda-Dhexe iyo Jubadda-Hoose.