Ciidamada DF iyo shacabka oo saaka kooxda Al-Shabaab ku baacsanaya deegaanka…

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saaka kooxda Al-Shabaab ku baacsanaya deegaanka Maxamed Xasan oo u dhaxeeya deegaannada Baar-dheere iyo Beerxaanno ee dhaca Koonfurta Beledweyne.

Sida ay shaacisay wasaradda warfaafinta dowladda, ciidamada huwanta ayaa waxay weerar ku qaadeen xubno Shabaab ah oo isku dayay inay si dhuumaalaysi ah deegaankaan isugu abaabulaan.

Howl-galkan ayaa yimid kadib markii dadka deegaankaan oo aan ogolayn in mar kale kooxda ku soo dhex ganbadaan ay si dhow ula shaqaynayaan ciidanka Qaranka, islamarkaana ay qayb ka yihiin dagaalka hadda socda.

Inta badan dhulka gobalka Hiiraan ayaa horay looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo wajaheysa guluf dagaal oo culus, waxaana haatan socda howl-galadii ugu danbeeyay ee guud ahaan la doonayo in lagu ciribtiro Khawaarijta.

Shalay ayay aheyd markii howl-gal uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu ka dhacay deegano dhowr ah oo ku yaala Jiinka wabiga Shabeelle ee Koonfurta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Howl-galkaas ayaa waxay ciidamadu ku burburiyeen dooman ay isticmaalayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ugu xirnaa wabiga Shabeelle, oo Shabaab-ka ay si dhuumaaleysi ah ugu soo gudbi jireen.

Sidoo kale waxaa lagu xoreeyey deegaano dhowr ah oo ku teedsan wabiga Shabeelle, oo ay ciidanku uu si nabad ah kula wareegay, kadib markii ay iskaga carareen kooxihii Al-Shabaab ee deegaanadaas ku sugnaa.

Si kastaba, dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa wejigiisi koowaad laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda, ayada oo dowladda ay sheegtay in lagu dilay boqolaal Shabaab ah oo ku jiraan horjoogayaal.