Xog: Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Deni iyo Juxa + ‘halka uu salka ku hayo’

Garoowe (Caasimada Online) – Khilaaf xooggan ayaa ka dhex qarxay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Cabdi Faarax Juxa, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogta aan ka helayno khilaafkan cusub ee ka dhex aloosan labadan masuul ayaa waxay sheegaysa inuu yimid kadib markii uu wasiir Juxa uu si adag uga horyimid qorshe uu madaxweynaha Puntland uu ku rabo inuu wax ka bedel ugu sameeyo Dastuurka.

Saciid Deni ayaa raba inuu wax ka bedel ku sameeyo qoddobo ku jira Dastuurka, gaar ahaan kordhinta tirada xisbiyada rasmiga ah ee ka soo baxaya barnaamijka qof iyo cod, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogaha aan helayno ayaa intaas kusii daraya in khilaafka Deni iyo Juxa uu gaaray heer uu madaxweyne Saciid Deni uu qaato go’aan ah inu xil ka qaadis ku sameeyo wasiir Juxa, taasi oo uga jawaabayo diidmadiisa ku aadan qorshaha uu rabo inuu wax ka bedel ugu sameeyo Dastuurka maamulkaasi.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa la sheegay in maalmaha soo socda xil ka qaadis uu ku sameeyn doono wasiir Juxa, ayada oo loo badinayo in booskiisa u magacaabo Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu sii xoogeysanayo damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, kadib markii uu kulan xasaasi ah la yeeshay ururada siyaasadda.

Saciid Deni ayaa dhawaan waxa uu isugu yeeray ururada siyaasadda, isaga oo kala hadlay furitaanka dastuurka maamulka Puntland, si ururada kusoo baxaya doorashooyinka dowladaha hoose looga dhigo shan, halka dastuurka uu qorayo saddex urur siyaasadeed.

Si kastaba, Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo xataa siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.