Somaliland ‘oo iska fogeysay’ arrin ay ku dhowaaqday DF

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay tirakoob dadwayne oo ay ku dhowaaqday dowladda federaalka Soomaaliya inay ka sameynayso dalka.

Somaliland ayaa sheegtay inay tahay dal gaar u taagan oo ka madax-banaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteed aysan khuseyn tirakoobka ay dowladda federaalka, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada Somaliland.

“In aanay Qaranka Somaliland khusaynin Tiro koobka ay Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay waddo, maxaa yeelay Jamhuuriyadda Somaliland waa dal gaar u taagan jiritaan ahaanna ka horreeyey Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada Somaliland.

“Somaliland xuduudaheeda Afarta Jahaba way cad yihiin, waana xuduudo caalami ah. Sidaa darteed, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xuduudaheedu waxay u jiraan si sharci ah (de jure).”

Bayaanka Golaha ayaa sidoo kale waxa looga hadlay xuska 18 May, ayada oo ugu baaqay in shacabka iyo ciidanka qaabilsan amniga Somaliland inay iskaga kaashadaan ilaalinta nabad-gelyada, islamarkaana ciidanku ay si gaar ah xil-weyn iska saaraan xoojinta amniga.

“Xuska 18 May ee sannad guuradda 32-aad ee ka soo wareegtay dib-ula-soo-noqoshadii Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland awgeed, waxay ciidammada ku hawlan difaaca guud ee Qarankuna ku sugnaan doonaan xarumahoodii,” ayaa sidoo lagu yiri bayaanka Somaliland.

Si kastaba, Barnaamijka ay ka hortimid Somaliland oo sida qorshuhu yahay laga fulin doono dhamaan dowlad-goboleedyada dalka, ayaa waxa uu door muhiima ka ciyaari doona amniga iyo dhaqaalaha, sida ay sheegtay dowladda.